Monday, July 7, 2025

WAR-CUSUB: Shariif Xasan oo la yimid Qorshe cusub oo xilka Madaxweynaha Soomaaliya lagu wadaagayo [Akhriso

Madaxweynaha maamulak Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo jeediyay qaab cusub oo dowladda Soomaaliya lagu hogaaminayo.

Shariif Xasan oo hore u soo noqday guddoomiye Baarlamaan, Wasiirka Maaliyadda iyo hogaamiye mucaarad ah ayaa hadda isagoo ah madaxweynaha Koonfur Galbeed u sharxan xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2016.

shariif-sakiinShariif Xasan oo dhowaan ka qeyb galay shirkii madaxda maamulada Soomaaliya ee Abu Dubai ayaa u sheegay madaxda dalkaasi inuu isagu u sharxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse aanay jirin musharax uu wato.

Qorshaha Shariif Xasan wato ayaa ah in hogaanka dalka iyo xilka madaxweynaha Soomaaliya uu noqdo xil wareeg ah oo lixdii biloodba uu qabto madaxweyne ka mida maamul goboleedyada dalka.

Nidaamkan cusub ayaa hadda ah fekrad ka timid Shariif Xasan oo u ooman xilka Madaxweynaha Soomaaliya in beeshiisu ay mar qabato, laakiin lama oga sida uu suuragalka ku noqon doono qorshahan oo ua baahan heshiis iyo dastuur cusub in loo sameeyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON