Wakaaladda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa laga soo xigtay inay baaritaan kadib gaartay go’aan ah in dilkii saxafiga caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi uu markiisa bixisay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.
Sida ay shaaciyeen warbaahinta caalamiga ah ee uu ugu horeeyo Wargeyska New York Times ayaa shaacisay baaritaanka CIA-da ay ka sameysay kiiskan oo lala wadaagay madaxda Mareykanka iyo Koongareeska dalkaasi. Waxaana lagu dhisay telefoono iyo xiriiro uu sameeyay Maxamed Bin Salman dilkii Saxafiga ka hor, kuwaasoo sirdoonka Mareykanka uu duubay.
Dhaxal -sugaha Sacuudiga ayaa la sheegay inuu dagaal ug jiray inuu saxafiga Jamal Kashoqgi dib ugu soo celiyo Sacuudiga, isagoo maray safiirka Sacuuudiga u fadhiya Mareykanka u fadhiya Washington oo la dhashay amiirka dhaxal sugaha ah.
Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa hadda u muuqda dembiile ka dambeeyay dil aan hore loo arag oo dunida ka naxday, kaasoo saxafi Sacuudiyaan ah lagu dilay jirkiisana lagu jarjaray, iyadoo ilaa hadda la la’ yahay jirkiisii.
Arrintan ayaa laga yaabaa inay meesha ka saarto hamigii wiilka 33 sano jirka ah ee uu dhalay boqorka hadda xilka haya uu ku noqon lahaa boqorka Sacuudiga.