Wednesday, June 25, 2025

WAR CUSUB: Wasaaradda Gaadiidka oo Ceymis qasab ah ku soo rogtay Gaadiidleyda

Wasaarada Gaadiidka ee dowladda Soomaaliya ayaa ceymis qasab ah kusoo rogtay  Gaadiidleyda magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Cali Gacal ayaa sheegay in dhammaan Gaadiidleyda looga baahan yahay in ay galaan ceymis, isagoo intaas ku daray haddii aanay gaadiidleyda gelin ceymiskaasi tallaabo lag qaadi doono.

taraafikoAgaasimaha ayaa ku amray taraafida dowladda Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan ciddii fulin waysa arintaasi. Wasaarada Gaadiidka xukuuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu dhaqan gelinta.

Taliyaha Ciidanka Waddooyinka C/naasir Dalab ayaa sheegay   in Ciidamada Taraafikada ay ku amran yihiin in ay fuliyaan amarak wasaaradda ee ku saabsan qabashada gaadiidka aan ku jirin ceymiska.

Ceymiska qasabka ah ee lagu soo rogay gaadiidka ayaa imaanaya xilli kala guur ah oo dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso doorasho, waxaan loo arkaa  tallaabo kale oo lagu xalaaleysnayo hantida shacabka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON