Iyadoo ay socdaan dadaaladii ugu danbeeyay ee magcaabidda Golaha wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya qaabka awood qeysbiga Golaha cusub.
Xog laga helay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegeysa in qaab maamul goboleed loo qeybin doono wasiirada muhiimka ah ee Golaha, halka markii hore lagu qeybin jiray 4.5
Qaabkan cusub ayaa ah in 5 wasaaradood oo waaweyn la kala siiyo maamul Goboleedyada iyadoo maamul goboleed lasiinayo xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka.
AKHRISO SHAXDA LA HELAY
1- Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa loo qoondeeyay: Puntland
2- Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa loo qoondeeyay: Koonfur Galbeed
3 – Wasaaradda Amniga waxaa loo qoondeeyay: Jubbaland
4 – Ra’iisal wasaare ku xigeen: Hirshabeelle
5 – Wasaaradda Maaliyadda waxaa loo qoondeeyay: Somaliland
6 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo qoondeeyay: Galmudug
Qaabkan ayaa ah mid ku cusub awood qeybsiga iyadoo ay caado soo ahayd in xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka loo qoondeeyo Somaliland.
Goobjooge.com