Sunday, June 29, 2025

WAR CUSUB: Xeer ilaalinta oo dalbatay in xasaanadda laga qaado laba xildhibaan oo ku eedeysan Qaran-dumis

Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo shaaciyay in laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu bilaabayo Baaris ku saabsan Qaran-dumisnimo.

Xeer ilaaliyaha ayaa caddeyay in xildhibaanadan lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo inay dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan, kuna maja xaabiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir intaas ku daray in gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo xaaladooda iyo eedaha loo heysto.

Labada Xildhibaan ee xeer ilaalinta ay dooneyso in xasaanadda laga qaado ayaa kala ah: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo la sheegay in dacwado ka dhan ah la geeyay xeer iaalinta, waxaana laga soo doortay deeganada Galmudug iyadoo baaritaankooda ay xeer ilaalinta ay caddeyn u heyso.

Waa markii ugu horeysay ee xeer ilaalinta ay si toos ah eedo ugu jeediso, taasoo u baahan xasaanad ka qaadid aan sahlaneyn, waxaana arrintan loo arkaa tallaabo lagu baqdin gelinayo xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON