Xildhibaan hore ayaa la sheegay inuu ahaa qofkii waday gaarigii koowaad ee maanta 26 July 2016 isku qarxiyay
barta ciidamada u taalay isbaarada ee u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado0 wuxuu ka tirsanaa baarlamaankii KMG ahaa ee dowladii C/qaasim iyo Sheekh Shariif ayaa u wareegay kooxda Alshabaab, kadib markii uu hoos kala xirtay kooxaha Islaamiyiinta, kadibna noqday xagjir aaminsan mowqifyada fog ee Alshabaab.
Saalax Badbaado oo si weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho wuxuu muddo sanado ah ka mid ahaa lana joogay kooxda Alshabaab, waxaana la yaab noqotay inuu xildhibaanka hore isku bedelo is-miidaamiye isku qarxiyay magaalada Muqdisho.
Ilo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in Saalax Badbaado uu kaxeynayay Gaari yar oo weerarkii koowaad ku dhuftay barta ciidamada ka ilaaliyaan Garoonka.
Waa markii ugu horeysay ee qof xil noocaasi iyo da’daas jira uu ku lug yeesho is-miidaam uu naftiisa ku haligay. Saalax Badbaado ayaa kasoo jeeda Beesha Isaaq ee Waqooyiga Soomaaliya.
Goobjooge.com