Tuesday, July 8, 2025

WAR CUSUB: Xildhibaanadii taageersanaa Cali C/llaahi Cosoble oo Go’aan cusub qaatay

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanadii taageersanaa madaxweynaha xilka laga qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble ay mowqif cusub qaateen maanta.

Xildhibaanadan oo gaarayay in ka badan 20 xubnood ayaa xalay ku dhawaaqay inay doorteen guddoon cusub oo Baarlamaanka Hirshabeelle uu yeelanayo, waxaana wadahadallo ay la galeen dhinaca kale la sheegay inay intooda badan ku biireen xildhibaanadii kale ee xilka qaaday madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

Xildhibaanadan ayaa tegay goobtii uu ka socday shirka xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo uu guddoominayay Cismaan Barre Maxamed, iyagoo ka tanaasulay mowqifkoodii hore ee ay ku taageersanayeen Cali C/llaahi Cosoble.

Wararkii ugu dambeeyay magaalada Jowhar ayaa sheegaya in tirada ku hartay taageerada madaxweynaha xilka laga qaaday ay hadda ka yar tahay 10 xildhibaan, iyadoo xaaladu ku sii xumaaneyso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON