Wednesday, July 16, 2025

WAR CUSUB: Xildhibaannadii Qabyo iyo C/raxmaan C/shakuur oo ololahooda u wareejiyay Odayaasha & Culimada

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ololaha ugu jira inay ridaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ololahooda u wareejiyay dhinaca odayaasha dhaqanka, culimada iyo ururrada Bulshada.

Siyaasiyiinta oo uu ugu cadcad yahay C/raxmaan C/shakuur oo la midoobay kooxdii Qabyo oo uu hormuud u yahay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Muqdisho odayaal iyo culimo.

Kulankii ugu danbeeyay waxay shalay la yeesheen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo iyadoo ka codsaday inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isla markaana aanay isku hor gudbin madaxda dalka.

Waxaa kulanka ka dhex muuqday Xildhibaan Faarax C/qaadir, Xildhibaan Xasan Macalin  Siid Cali Macalin iyo xubno kale, halka dhinaca Hay’adda Culimada ay joogeen Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo kuwo kale.

Xildhibaannada kooxdii Qabyo iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo wada mooshin xil ka qaadis madaxweynaha ayaa si weyn uga naxay hadal dhowaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ku baaqay in xildhibaannada mooshinka wata laga matajiyo lacagta laaluushka ah ee ay qaateen. [Dhageyso codka]

Kulankii shalay ee labada dhinac ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, markii inta badan culimada kulanka ka qeyb gashay ay ku adkeysteen inaysan dhexdhexaad ka noqon karin xasilooni darro siyaasadeed in dalka la geliyo, isla markaana xilligan mooshin la keeno, waxayna u cudurdaareen Sheekh Nuur Baaruud oo ay sheegeen inuu xor u yahay fekerkiisa, sida iyaguna ay madaxda sare wax uga sheegaan xaq loogu leeyahay in mucaaradkana wax laga sheego.

Hore waxay kooxda Qabyo iyo siyaasi C/raxmaan C/shakuur kulan ugu tageen Imaamka Beelaha Muqdisho oo isna si cad ugu sheegay inuusan arrimo siyaasadeed ka hadli karin iyadoo aan jirin dad mideysan, koox gaar ahna taageeri karin.

Ujeedka kooxda wada ololaha mooshinka madaxweyne ayaa ah in ay ku qanciyaan ururrada bulshada baahi loo qabo isbedel hoggaamineed, kadib markii si weyn looga hor yimid qalalaase siyaasadeed oo xilligan ka dhaca dalka, taasoo hadda u muuqata inay ku guuldareysteen labadii tallaabo ee ay u qaadeen dhinacaasi.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people eating, people sitting, table, hat and indoor

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON