Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd halkaasi ka dhacay qarax.
Qaraxan ayaa ka dhacay Dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo iyadoo uu ahaa mid loo adeegsaday Bam gacmeed.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu Qaraxu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa ku dhintay qaraxa iyadoo 20 kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray agagaarka saldhigga waxaana magaalada ka socda gurmad iyo howlgal lagu sugayo ammaanka.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
Goobjooge