Saddex toddobaad kadib markii uu go’ay adeegii internetka Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqya war farxad leh oo ku saabsan soo laabashada adeegaasi.
Wasiirka Wasaarada Boostada iyo is gaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa laga soo xigtay in saacadaha soo socda uu dib u soo laaban doono adeeggii Internetka ee Muqdisho iyo Gobollada Koonfureed.
Wasiirka oo ay soo xigatay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in cilad bixinta xarkihii Fibre Optic-ada ee ka socotay xeebta Jazeera ee magaalada Muqdisho ay meel fiican mareyso isla markaana si dhaqso ah loo heli doono adeegii internetka.
Hore ayuu Wasiirku u sheegay in Axadda uu dib u soo noqon doono internet-ka iyadoo Markab ka yimid Dubai uu cilad bixinta bilaabay Jimcihii.
Internetka ayaa muddo 22 maalmood ka maqan gobollada Koonfurta Soomaaliya iyadoo qasaare weyn laga dhaxlay arrintaasi.