Thursday, July 17, 2025

War fiican oo loo hayo Soomaalida heysata Fiisaha Mareykanka ee u xayirmay xayiraadii Donald Trump

Kadib markii Qaadi ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dadka kasoo jeeda 7 dal oo Soomaaliya ku jirto ayaa waxaa soo baxday fursad loo hayo dadkii heystay fiisaha Mareykanka ee xayirmay.

Xaakimka, James Robart, oo fadhigiisu yahay Seattle ayaa hakuyay dhaqangalka go’aankii fulineed ee Madaxweyne Trump, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo. Waxaa guud ahaan istaagay dalka Mareykanka dhaqangelinta xayiraadii uu dhowaan soo rogay maamulka cusub ee Donald Trump.

James Robat= Xaakimka Joojyay xayiraadii Donald Trump

ilaa 60,000 Fiiso oo Mareykanku hore u bixiyay laguna joojiyay amarkii madaxweyne Donald Trump ayaa iminka dib u shaqeynaya, waxaana dadka heysta dal-ku-galka (fiisaha) Mareykanka  ay hadda awood u leeyihiin inay tagaan dalka Mareykanka, iyagoo marka hore tegaya safaaradda Mareykanka ee Visaha bixisay.

Dadkaasi waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ku dhaqsadaan arrintan iyadoo xukuumadda Trumpo ay rafcaan ka qaadaneyso oo dooneyso in la soo celiyo xayiraadda, sidaasi darteed waxaa haboon in waqtiga ay ka faa’iideysan dadkaasi, waxayna farriintan ku socotaa dadka la siiyay fiisaha Mareykanka ee u xaryirmay amarkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Donald Trump.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON