Wednesday, August 6, 2025

War fiican oo u soo yeeray Soomaali badan oo ku nool Mareykanka [Sharci la cusbooneysiinayo]

Waaxda Arrimaha Gudaha Dowladda Mareykanka (Homeland Security) ayaa soo saartaay war u fiican Soomaali fara badan oo Mareykanka ku nool, kadib markii ay ogolaatey ku dhowaad 500 oo Somali ah loo cusbooniisiyo sharciga TPS-ka loo yaqaanno oo ah sharci KMG oo badbaado siinaya qaxootiga Mareykanka ku nool ee aanan haysan dhalashada dalkan.

Go’aankan waxaa soo dhoweeyey Hay’adaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka ee wadey ololaha ah in dadka dib loogu cusbooneysiiyo sharciga. Tallaabadan ayaa u saamaxeysa boqollaalkan ruux inay sharci ku joogaan kagana shaqeystaan dalkan Mareykanka.

Shantan boqol ee somalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka oo ah sharci badbaado KMG siinaya qaxootiga Soomaliyeed ee aanan sifo amni awgeed dalka Somalia dib loogu celin karin.

Muddo badan ayaa laga cabsi qabay in maamulka Trump uu dib ugu cusbooneysiin waayo, taasoo horseedi laheyd in Mareykanka laga masaafuriyo Soomaali fara badan oo halis ugu jiray inay dalkaasi laga saaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON