Wednesday, June 25, 2025

War kasoo baxay Xaaf & Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo jebiyay Xil ka Qaadistiisa

Kulan ay caawa ku yeesheen qaar ka mida xildhibaannada Galmudug oo uu shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistii madaxweynaha Galmudug.

Shiran oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado waxaa xildhibanadii ka qeyb galay ay sheegeen in Madaxweyne Xaaf aanu gaarin waqti xil laga qaadi karo, iyadoo aysan u dhammaan mudadda Dastuurka Galmudug qorayo  oo ah Lix Bilood ka hor inaan mooshin laga keeni karin.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isla isla Caawa ka soo horjeestay xil ka qaadista ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan Galmudug inay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in arintaas ay tahay mid been abuur ah oo ay wadaan ka soo horjeeda jiritaanka Galmudug.

Xaaf ayaa  shaaciyay in Berito ah ay Cadaado tegi doonaan xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda Galmudug, kuwaasoo dhexdhexaadinaya Madaxda  Galmudug, wuxuuna beeniyay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu Cadaado ku yahay Xabsi Guri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON