Tuesday, July 1, 2025

War-murtiyeed 10 Qodob ka kooban oo ay ku heshiiyeen Dowladaha Somaliya iyo Kenya (Akhriso)

War-murtiyeed ka kooban 10 Qodob oo ku saabsan xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga soo saaray wadahadal magaalada Muqdisho ku dhex maray Wasiirada Arrimaha Dibadda labada dal.

Wasiirada Maxamed C/risaaq Maxamuud iyo Raychelle Omamo ayaa ka wadahadalay xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Kenya iyo sidii loo hagaajin lahaa, ayaa sidoo kale waxay wasiiradu kulamo kala duwan la yeelatay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa lagu caddeeyay War-murtiyeedka in labada dowladood ku heshiiyeen qabanqaabinta shirkii Guddiyada Wadajirka ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya oo looga hadlayo heshiisyo is-afgarad ah oo laga gaaro Arrimaha: Diblomaasiyadda, Ganacsiga iyo maalgashiga, Waxbarashada, Beeraha, horumarinta Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeysiga, Amniga iyo Argagixiso la-dirirka.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomay martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana uu socdaal ku tegi doonaa dalka Kenya.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON