Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad nooca aanay cidna wadin ee Drone-ka ah ay weerar ka fulisay magaalada Ceelbuur.
Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo aan magacooda la sheegin, waxayna saraakiisha ciidamada dowladd ee aagaasi sheegeen in lagu dilay ilaa 11 ka mida Alshabaab.
Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegay in duqeynta ay ku geeriyoodeen Saddex qof oo shacab ah, kuwaaso ay laba ka mida magacyadooda ku sheegeen, Nabadoon Cali Xareed iyo Yuusuf Dhegeey.
Duqeynta ayaa ka dhacday Deegaanka Dac oo 20 KM u jirta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. mana jiro wax war ah oo ilaa iminka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.