Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska hor imaad hubeysan ayaa ka dhacay saaka magaalada.
Dagaalka oo dhex maray ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saameyn ku yeeshay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.
Wararkii ugu danbeeyya ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen labo Qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.
Lama shaacin sababta dib u soo celisay iska hor imaadyadii magaalada Gaalkacyo iyadoo heshiis buuxa uu ka dhaqan galay magaalada, isla markaana magaalada la geeyay kormeerayaal caalami ah oo la socda xabbad joojinta.
Goobjooge.com