Waxaa magaalada Jowhar ka bilaabatay doorashada Kursi Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo ay ku tartamayaan lix musharax oo kasoo jaeda Jufada Cali Madaxweyne ee Beesha Xawaadle.Doorashada oo goor dhow loo xarooday ayaa waxaa hareeyay dood ku saabsan ergada iyadoo musharixiinta qaarkood ay sheegeen in ergadii beesha ee Gobolka Sh/Dhexe laga soo qoray magaalada Muqdisho.
Musharaxiinta xilkan ku loolamaya ayaa kala ah:
1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe -Taliyihii hore ee NISA
2- Cali C/llaahi Cosoble – Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle
3- Daahir Cabdulle Cawaale – Musharax Hirshabeelle
4- Nuur Iidow Beyle -Musharax Hirshabeelle
5- Dahabo Xasan Axmed -Musharax kursigan doorahasii hore
6- Xuseen Axmed Geelle