Qarax is-miidaamin ahaa ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay qasaare kala duwan.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa laga beegsaday Guriga hooyooyinka oo ay ku taallo maqaayadda Village ee caanka ah, halkaasoo ay isugu yimaadaan Saxafiyiinta Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo qaraxa ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 qof oo uu ka mid yahay weriye iyo laba qof oo shacab ah.
Qaraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa sarkaal ka tirsan Booliska oo gaari uu watay lagu dhuftay gaariga qarxay balse qaraxa uu dib u dhacay, isagoo qarxay markii laga kala cararay shilka.
Qaraxa ayaa lala damacsanaa taliyaha qeybta Weliyow Cadde Maxamed Daahir, isagoo ka badbaaday kadib markii gaariga uu qarxi waayay xilligii loogu talogalay.
Qofka kaliya ee qaraxa ku dhintay ayaa noqday ninkii gaariga miineysan waday ee is haligay, waxaana dhaawac kasoo gaaray saddex qof.
AKHRISO WARARKA QARAXA
Goobjooge.com