Kooxda Shabaab ayaa sheegatay in dagaal culus kula wareegtay Saldhigga ciidamada dowlkadda ee degaanka Goof-gaduud Buureey e duleedka Magaalada Baydhaba oo 30 KM u jira magaalad Baydhaba.
Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar kedis ah ku qaaday Saldhigga ciidamada ee degaanka Goof-gaduud buurey, waxayna halkaasi la wareegeen muddo saacad ka badan, iyadoo dagaalka ay ku dhinteen ilaa 8 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay in xilliga weerarka dhacay ay intooda badan diyaar ahayn oo ay jiifeen, taasina ay keentay qasaaraha badan ee soo gaaray, waxana wararka qaar ay sheegayaan in taliyihii ciidamada saldhigga uu ku jiro askarta ku dhimatay dagaalka.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa dib uga baxay degaankaasi markii ciidamo gurmad ah ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Baydhaba, waxaana halkaasi dib ula wareegay ciidamada daraawiishta K/Galbeed iyo milateriga Soomaaliya.