Wararka laga helayo Goboka Bay ayaa sheegay in maleeshiyada ururka Alshabaab ay la wareegeeb degaanka Goofgaduud Buureey ee duleedka magaalada Baydhaba, kadib weerar ay saaka ku qaadeen.
Weerarka Alshabaab ayaa ku bilowday Qaraxyo ku qaaday degaankaasi oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda kuwa maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo muddo kadib ay si buuxda ula wareegeen saldhiggii Ciidanka dowladda iyo degaankaasi.
Ciidamda dowladda ayaa isga baxay degaanka Goofgaduud, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidamada ku sugnaa Goofgaduud, waxaana jira qasaare ka dhashay dagaalka oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Maleeshiyada Alshabaab oo la sheegay inay boqolaal ahaayeen ayaa mar qura dhnacyo kal duwan ka weerarray Degaanka Goof-gaduud. Lama oga qasaaraaha dagaalka ee labada dhinac, mana jiro war ka soo baxay labada dhinac.
Degaanka Goofgaduud Buureey ayaa 30 KM dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo xarun u ah maamulka K/Galbeed, waxaana marar badan la wareegay Alshabaab oo ka dibna dib uga baxay.