Faafhaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor imaadkii ka dhacay Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa dhex maray ciidamada ammaanka Muqdisho iyo ciidamada ku sugnaa suuqa Wadajir oo diiday inay hubka dhigaan markii ay ku amreen ciidamada ammaanka.
Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay laab askari ee diiday inay hubka dhigaan, waxayna iyagoo midkooda qabtay, midkii kalena uu baxsaday, waxaana markii danbe laga reebay ciidamada askarigii ay qabteen oo maamulka degmada ay ka daba tageen, waxayse qaareen qorigi uu watay.
Xiisad ayaa dhalatay arrintan ayaa keentay in ciidamo gurmad ah ay goobta soo gaaraan iyadoo lagu sigtay in labada ciidan ay isku dhacaan, waxaana la sheegay in saraakiil iyo mas’uuliyiin ay kala dhex galeen.
Rasaasta labada ciidan is weydaarsadeen, waxaana hakad galay ganacsigii iyo isu socodkii Gaadiidka Suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxayna xaaladu markii danbe ku soo noqotay caadi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee xasilinta Muqdisho dhaawac ka soo gaaray iska hor imaadka.
Ciidamada loo diyaariyay xasilinta magaalada Muqdisho ayaa olole hub ururin ah ka waday magaalada iyadoo isku dhacan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee lagala hor yimaado, waxaana hore arrintan uga hor yimid saraakiil iyo hogaamiyeyaal degaan.
Goobjooge