faahafaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Dab xoog leh oo maanta Duhurnimadii qabsaday Suuqa Xamarweyne oo ka mida suuqyada waaweyn ee Muqdisho.
Dabkan ayaa ugu horeyn ka kacay goor Barxadda Yaasiin, Laantii Bankiga ee Xamarweyne iyo Kawaankii hore ee Malaayga, halkaasoo uu markii danbe ku sii fiday qeybo kale oo ka mida suuqa oo ahaa mid aad mashquul u ah.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray suuqa iyadoo dadaal weyn loo galay sidii loo damin lahaa, waxaana goobta gaaray gaadiidka Dab-damiska ee Gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha Ganacsiga oo la tacaalaya Dabka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dabka la damiyay goor dhoweyd kadib markii gaadiidka dab-damiska ah ay qeyb weyn ka qaateen. Qasaare hantiyeed ayuu dhaliyay dabkan iyadoo aan la soo werin wax qasaare nafeed ah.
Goobjooge