Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya xiisad colaadeed oo hor leh au galabta kasoo cusboonaatay ciidamada isku hor fadhiya magaalada.
Dagaal ayaa la sheegay inuu dib u bilowday, iyadoo la isu adeegsaday hubka waaweyn galbeedka magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka oo dhacay galabta maqribkii wax yar ka hor ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoo lagu soo beegay xilli heshiis nabadeed lagu gaaray magaalada Dubai.
Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa isku hor fadhiya Galbeedka magaalada Gaalkacyo dagaalo is xiga ay ku dhex mareen tan iyo bishii hore horaanteeda.
Goobjooge.com