Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa ku warramaya qasaare baaxad leh oo ka dhacay dagaal dhowr jeer shalay dhex maray maleeshiyada Alshabaab iyo taageerayaasha Sheekh Mukhtaar Roobow.
Dagaalka oo Alshabab ay ku qaadeen degaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa la sheegay in saddex jeer la isku noqday, waxaana la soo weriyay inay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo labada dhinac ah, una badan kooxda Alsahbaab.
Ciidamada Alshabaab ayaa dib uga soo gurtay degaanka, waxayan wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay dib isu urursanayaan oo lag filayo weerar kale inay ku qaadeen fariisinka Sheekh Mukhtaar Roobow.
Dhinaca kale ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka K/Galbeed ayaa gaaray duleedka degaanka Abal, iyadoo saraakiisha ciidamadaasi ay sheegeen inay gacan siinayaan ayna difaacayaan Sheekh Roobow.
Xaaladda ayaa saaka ka degan degaankii shalay la isu fara saaray, waxaana dadka degaanka ay soo weriyeen dhaqdhaqaaq ay maleeshiyada Alshabaab ka wadaan degaanka Labaatan jirow ee Gobolka Bay iyo Bakool.