Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Magaalada Gaalkacyo & Qasaaraha ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu dagaal kale ka dhex qarxay ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug ay galabta isu bedeshay dagaal, waxayna wararku sheegayaan inuu dagaalkan cusub ka dhashay ciidamo isku dhacay.

Hub waaweyn iyo midka tiknikada ayaa laga maqlayaa galbeedka magaaladam waxaana dadka magaalada ay sheegeen in xaalad dagaal ay hareysay magaalada.

Wararkii ugu horeeyay ee dagaalka galabta soo cusboonaaday ayaa sheegaya in dagaalka uu hakaday maqribnimadii isagoo  dhaliyay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa iskiis u istaagay iyadoo aanay jirin cid dhex gashay.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo odayaasha labada dhinac ay heshiis gaareen shalay, iskuna raaceen in xabbada la joojiyo, lana kala qaado ciidamada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON