Tuesday, July 8, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dil toogasho ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada  Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dishay askari ka tirsan ciidamada Booliska ee ka howlgala caasimadda.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqidsho, waxaana halkaasi lagu toogtay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, qeybta Denbi baarista ee CID-da, iyadoo ay goobta ka baxsadeen laba dabley ahaa oo falkaasi ka dambeeyay.

Kooxda oo rasaas ku furtay askariga Booliska ah oo markaasi ku sugnaa xaafadda Buundooyinka ee degmada Waabari, waxaana uu markiiba ku geeriyooday goobtaasi, iyadoo ay markii danbe gaareen ciidamada amniga.

Waxaa si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho dilalka qorsheysan ee lagu beegsado dadka rayidka ah, ciidamada iyo saraakiisha kale ee dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON