Friday, July 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Baydhaba & Xildhibaanno Qorsheynaya inay iskood u Doortaan Madaxweyne

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan yihiin magaaladaasi.

Waxaa magaalada ka socda shirar is daba joog ah oo ay leeyihiin waxgaradka, xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo musharaxiinta K/Galbeed iyadoo intooda badan ka hor yimaadeen dib u dhigista markii saddexaad lagu sameeyay doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Wararka aya sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka K/Galbeed ka horjeeda dib u dhigista doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay is urursanayaan iyadoo doonaya inay madaxweyne iskood u doortaan 5-ta bishan Disembar oo ah maalintii hore loogu qoondeeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed; balse dib loogu dhigay 19-ka Disembar.

Magaalada Baydhaba ayaa laga dareemayaa inay ku jirto xaalad aan caadi ahayn, waxaana odayasha iyo waxgaradka  si weyn uga horjeedan qorshaha dowladda Soomaaliya iyo musharaxa ay wadato.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON