Friday, June 27, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Degmada Afgooye & Saldhigii Degmada oo Gubanaya

Xaalada magaalada Afgooye ayaa caawa kacsan iyadoo maleeshiyada Alshabaab galabta ka wareegeen inta badan magaaladaasi.

Rasaas goosgoos ah iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa magaalada gudaheeda iyi dhinacyadeeda, waxayna wararku sheegayaan in maleeshiyada Alshabaab ku sugan yihiin magaalada.

Galabta ayay ahayd markii ay Al-shabaab weerar culus oo dhowr jiho ah ku galeen Afgooye iyagoo qabsaday xarunta Degmada, Saldhigga Booliska, Xerada Agoonta iyo Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee Afgooye.

Alshabaab ayaa sheegtay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada ay galabta weerar xoogan oo saf-balaaran ah ku qaadeen degmada Afgooye ayna la wareegeen inta badan xaafadaha degmadaasi.

Alshabaab ayaa sheegatat inay tobaneeyo ka tirsan ciidamada dowladda ku dileen weerarka Afgooye  ayna heleen wax ay ugu yeereen qaniimooyin fara badan oo ay ula jeedaan hub iyo gaadiid.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON