Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar ku galay xarunta Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe, kadib iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda ee ku sugnaa.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa dhowr jiho ka weerraray degmada Mahadaay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay gudaha u galeen degmada markii uu dagaal dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya oo dib uga gurtay goobta.
Wararkii u dambeeyey ayaa sheegayan in ciidamada dowladda ee kabaxay Degmada Mahadaay ay dib isu uruursadeen, iyadoo gacan ka helaya saldhigga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka ee duleedka degmada Mahadaay, kadibna dib ugu laabteen, markii Alshabaab isaga baxeen.
Alshabaab ayaa sheegay inay la wareegtay degmada Mahadaay, ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda ee ku sugnaa, halka xukuumada Soomaaliya ay sheegtay inay ciidamada dib isaga caabiyen weerar ay ku soo qaadeen Alshabaab degmada Mahadaay.
Degmada Mahadaay oo 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ayaa Alshbaab dhowr jeer weerartay, laakiin waa markii ugu horeysay oo ay qabsadaan muddooyinkan.
