Tuesday, July 15, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Kenya iyo Natiijooyinkii ugu horeeyay oo soo baxaya

Dadka Kenya ayaa maanta codkooda ka dhiibtay doorashada guud  ee dalkaasi iyadoo goor dhoweyd la soo xiray inta badan goobaha cod bixinta.

Meelaha qaarkood ayaa xiili dhow la furay goobaha cod bixinta arrimo farsamo dartood, waxaana la bilaabay saadaalinta natiijada doorashada oo dad badan ay cabsi ka qabaan inay dhaliso isku dhacyo iyo ammaan darro.

Nidaamka casriga ah ee tirinta codadka doorashada ayaa bilaabay inuu natiijooyin soo muujiyo, waxaana natiijadii ugu horeysay ee ka soo muuqata goobta bandhigga guddiga doorashada ay muujisay 30 daqiiqo kadib markii codeynta dhammaatay inuu Uhuru Kenyatta horeeyo.

Natiijada oo si toos ah ugu soo qormeysa gidaar weyn oo guddiga Doorashada leeyahay ayaa waxay ugu horeyntii sheegtay in 293 goobood codadkii lag dhiibtay uu Uhuru Kenyatta ka helay 21, 925 cod halka Odinga uu isna helay 12,238.

Natiijada ayaa daqiiqad kasta isbedeli karta iyadoo bilow ay tahay, waxaan saacadaha soo socda iska soo daba dhici doona natiijooyinka goobaha cod bixinta dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. Wuxuu sheegay in Kenyanku ay “horay u socdaan iyaga oo hal dal ah”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON