Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu xowli ku socdo baaritaanka kiiskii naxdinta lahaa ee gilgilay magaaladaasi, waxayna mas’uuliyiinta beeniyeen warar lagu baahiyey baraha bulshada oo ku saabsan faahfaahinta dad la sheegay in loo qabtay kiiska.
Saraakiisha iyo khubarrada caafimaadka ee baaritaanka ku haya dilkii iyo kufsigii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno jir ahayd ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan magacyada iyo xubnaha loo hayo kiiskan.
Saraakiisha ciidamada PSF-ta ee gacanta ku haya kiiska Caa’isho Ilyaas ayaa su’aalo weydiinaya dad la tuumayo oo loo xir-xiray arrintan, waxayna beeniyeen qoraallo lagu faafiyay baraha bulshadda, iyagoo ku tilmaamay kuwo lagu jahwareerinayo baaritaannada socda.
Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa magaalada Gaalkacyo ka sheegay in la xiri doono odaygii iyo waalidiintii isku daya inay ka daba tagaan dadka loo qabto kiiska Caa’isha.
Waxaa la filayaa in Natiijada ugu horeysay ay soo baxdo marka ay la is waafajiyo baaritaanka iyo natiijada Sheybaarka oo lagu eegayo dheecaano kala duwan lagu qaaday.