Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Gedo: C/rashiid Janan oo ka baxay Beled-xaawo & Ciidamada dowlada oo la wareegay Doolow &..

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiirka baxsadka ah ee Amniga Jubbaland oo saaka ka degay degmada Beledxaawo oo dib uga laabtay galabta, isagoo ka degay magaalada Mandheera, Kenya kadib saacado uu ku sugnaa.

C/rashiid Janan ayaa la sheegay intii uu ku sugnaa Beledxaawo inuu la kulmay saraakiisha, ciidamada iyo maamulka kala qeybsan magaalada, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan ciidamada ku wajahan ee dowladda Federaalka, balse ay ciidamada ku kala qeysameen dalabkiisii.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka tegay Luuq ayaa galabta la sheegay inay la wareegeen degmada Doolow, waxayna sidoo kale xalay gaareen degmada Beledxaawo oo uu shalay saacado ku sugnaa C/rashiid Janan intii aanu ku laaban Mandhera, Kenya. Waxaa weli socda ciidamada ku wajahan labadaasi degmo oo ay hore gacanta ku hayeen maamulka Jubbaland.

Ma jiro wax iska hor imaad ah oo lagala hor yimid ciidamadaasi, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada dowladda ee tiradoodu gaareyso 2000 aaskari lagu ururiyey Gobolka Gedo ay qorsheysanayaan howlgal weyn oo ka dhan ah Alshabaab, iyadoo abaanduule loo magacaabay Bakaal Kooke.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON