Sunday, July 13, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jowhar [Maxay arkeen Wasiiradii dowladu u dirtay..?]

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wafdigii wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee tegay magaalada ay kulamo la yeesheen dhinacyada kala duwan.

Wafdiga oo ka koobnaa wasiirada arrimaha gudaha, Amniga iyo waxbarashada ayaa kulan la yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo uu isugu yeeray Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaanno ka badan 70 oo ku sugan magaalada Jowhar, wuxuuna guddoomiyaha Baarlamaanka u sheegay wafdiga inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Baarlamaanka, isagoo ka codsaday xukuumadda Soomaaliya inay taageerto go’aanka ay qaateen baarlamaanka Hirshabeelle ee ay xilka uga qaadeen madaxweynihii hore ee maamulkaasi.

Dhinaca kale wafdiga dowladda federaalka ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ay isla soo qaadeen sida xal loogu heli karo arrinta xil ka qaadistiisa.

Wasiirada ayaa la sheegay inay soo xaqiiqsadeen xaaladda uu ku sugan yahay Cali C/llaahi Cosoble oo ay ku hareen tiro aan ka badneyn 5 xildhibaan iyo wasiiro kooban oo aan ka mid ahayn xildhibaanada Hirshabeelle.

Wasiirada ayaa la filayaa inay Muqdisho ku soo laabtaan oo ay uga warbixiyaan madaxda dowladda federaalka, iyadoo la sugayo go’aan ay dowladda ka qaadato arrinta Hirshabeelle.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON