Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Mooshinka Jawaari & C/weli Muudey oo bilaabay qabanqaabada kulanka Arbacadda

Wararkii ugu danbeeyay ee Mooshinka laga wado guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in waanwaantii laga dhex waday labada dhinac ay ku soo dhammaatay natiijo la’aan, isla markaana kulankii la baajiyey Sabtidii la qaban doono Berri oo Arbaco ah.

Garabka xildhibaannada Mooshinka wada ee taageeraya xukuumadda, isla markaana taageerada ka heysta guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa wada qabanqaabadii ugu danbeeyay ee shirka Arbacadda oo lagu wado in cod loogu qaado guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaalkiisii uu mira dhali waayey kadib markii guddoomiye Jawaari oo kulankii uu hore ula yeeshay madaxweyne Farmaajo ka balanqaaday inuu is casilayo uu dib uga laabtay arrintaasi, taasoo keentay in dib loogu laabto xaaladii lagu jiray.

Qaar ka mida xildhibaannada wada mooshinka Jawaari ayaa sheegay inay weli ka war sugayaan waanwaanta madaxweyne Farmaajo oo aanay dhammaan rajadii ay ka qabeen in arrinta xal laga gaaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON