Ololaha dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo magacaabidda Golaha wasiirada ayaa si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho.
Xildhibaano, siyaasiyiin iyo odayaal beeleed ayaa ku lug leh ololahan oo galay xilli xasaasi ah kadib markii la guda galay awood qeybsiga beelaha ee golaha wasiirada.
Beelaha waaweyn ayaa dalbanaya in wasiirada muhiimka ah la siiyo iyadoo mid waliba ay shirar kula jirto madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaase tartanka wasaaradda waaweyn barbar socda loolan kale oo shaqsiyaadka doonaya xilalka golaha wasiirada u dhaxeeya.
Kulamada ku saabsan ololaha golaha wasiirada ayaa socda habeenadii oo qura, waxaana madaxtooyada ay noqotay mid aan laga seexan, kulamada ololaha golaha wasiirada ayaan kala go’ lahayn.
Caqabada ugu waaweyn ee horyaalla Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kala ah:
- Qaabka awood qeybsiga beelaha ee xilalka muhiimka ah.
- Cidda ka mid noqoneysa Golaha Wasiirada iyo dhinaca loo badinayo Xildhibaanada iyo dadka ka baxsan.
- Kala xulashada shaqsiyaadka balanqaadyada hore heysta iyo kuwa cusub.
- Tirada ay noqoneyso Golaha Wasiirada cusub.
Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa loo badinayaa inay la mid noqon doonaan Golihii Wasiirada ee xukuumadii hore.
Goobjooge.com