Waxaa sii kordhaya qasaaraha Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu beegsaday Hotelka Saxafi ee KM4.
Dadka ku dhintay ayaa sare u dhaafay 23 qof iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 45 kale, waxaana dadka ugu badan ku dhinteen Gaari caasi ah oo qarax kula haleelay iridka Hotelka Saxafi.
Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ka mida maamulihii Hotelka Saxafi C/fataax C/rashiid Shire Ilqeyte oo sidoo kale aabihii lagu dilay qarax kale oo Alshabab ay ku qaadeen Hotelka saddex sano ka hor iyo Wariye Aadan Xaaji Cabdulle (Aadan Sooyaal) oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda.
Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mida C/risaaq Yuusuf Bahlaawi oo ahaa Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel u dhow Hotelka. Kooxda ayaa sheegatay weerarka iyo qaraxyada lagu qaaday Hotelka Saxafi.