Monday, June 23, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Garowe: Akhriso Qodobadda la isku mari la’ yahay.

Wararka laga helayo shirka magaalada Garowe uga socda madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ayaa sheegaya inuu weli xaalad cakiran ku jirto, taasoo ka dhalatay khilaafka Galmudug iyo sidii loo xalin lahaa.

Waxaan weli wax heshiis ah laga gaarin sida loo xalinyo khilaafka maamulka Galmudug oo shirka hareeyay, iyadoo ay madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf taageerayaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaa kaloo qodobadda ugu adag ka mida in dowlad goboleedyada ay dalbadeen in dib loogu soo celiyo Sharciyada Sharciga Batroolka oo hadda baarlamaanka Federaalku ku doodayo iyo, Sharciga Doorashoyinka oo Golaha Wasiirada uu ansiyey.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa kulamo la leh Madaxweynaha Galmudug iyo xubno ka socda maamulkiisa oo ku adkeysanaya in dowladda federaalka ay dib u bilowdo dhaqaalihii ay ka jaratay maamulkooda, in la dhaqan geliyo dastuurka lagu ansixiyey Dhuusamareeb iyo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna.

Ad

Ma jiro wax horumar ah oo laga gaaray shirka wadatashiga ee magaalada Garowe uga socda madaxda dowladda Somalia iyo maamul Goboleedyada, iyadoo weli ay socdaan shirar xal loogu raadinayo arrinta Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON