Monday, June 23, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Xaaladda Boosaaso iyo Taliyaha PSF oo laga dalbaday inuu xilka wareejiyo

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay iyadoo gadoodka ciidamada ay sameeyeen uu ku eg yahay xerada gudaha Boosaaso.

Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka dalbaday Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay ee ciidamada PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano inuu xilka wareejiyo oo sharciga u hoggansamo.

Sidoo kale Asad Cusmaan C/llaahi ayuu sheegay inaysan is arkin, laakiin wuxuu ugu baaqay inaysan qori qaadan oo aanu adeegsan ciidamo sida qabqableyaashii Muqdisho, una hoggaamsano nidaamka.

Ad

Dhibataada kaliya ee ka jirta magaalada Boosaaso ayuu sheegay Gen. Yaasiin Cumar Dheere inay tahay ciidamadii PSF ay kasoo baxeen aaggii ay ku jireen, ayna galeen xeradooda magaalada Boosaaso, saraakiishii ciidamadaasina ay urursi ka wadaan magaalada, arrintaasina ay ka xun yihiin.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shirka jaraa’id ee ka dhacay Boosaaso ka sheegay inay Boosaaso u tageen sidii ay xil wareejinta Hay’adda PSF, bals aysan muddo laba maalmood ah u suurta-gelin.

Wasiir Gallan ayaa ku amray ciidanka PSF inaysan ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna ka digay in dadka la marin habaabhiyo, xilkiina laga qaaday Jeneraal Maxamuud Cusmaan C/llaahi, iyadoo loo magacaabay Jeneraal Amiin Xaaji Kheyr.

- Advertisement -

Aawoodda xil ka qaadista ayuu sheegay inuu leeyahay Madaxweynaha Puntland, si sharci ahna ay ku dhacday, ayna tahay in la fuliyo xil ka qaadista, lana dhaqan geliyo wareegtada xil ka qaadista. Wuxuu kaloo ciidamada SPF ku amray inaysan kasoo bixin xeradooda magaalada Boosaaso iyaga iyo ciidamadooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON