Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal naxdin leh oo maanta ka dhacay xarunta a Jaamacada Soomaaliya ee xaafadda Baar Ubax, degmada Howlwadaag, magaalada Muqdisho, iyadoo fasalkeeda waxbarashada lagu dhex dilay gabar ka mida ardayda.
Dilka ayaa waxaa geystay dabley bistoolado ku hubeysnaa oo gudaha u galay xarunta Jaamacadda, iyagoo beegsaday gabadhan, kuna dhex toogtay fasalkii ay wax ku baraneysay.
Gabadha la dilay ayaa magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan, waxaana meydkeeda goor dhoweyd laga qaaday xarunta Jaamacadda, iyadoo la geeyay Xarunta Dembi baarista ee CID-da si baaritaan loogu sameeyo.
Ciidamada Amniga ayaa la wareegay xarunta Jaamacadda oo baaritan halkaasi ka wada, waxaana arrintan wax war ah kasoo saarin hay’adaha amniga dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa imaanaya saacado kadib markii fal kale oo naxdin leh uu shalay ka dhacay magaalada, kaasoo nolosha lagu gubay nin kasoo jeeda beesha Shanaad arrin ka dhalatay heybsooc.