Friday, July 18, 2025

Wararkii ugu danbeeyay khilaafka Mooshinka Jawaari & Xildhibaannada taageersan Xukuumadda shir jawaab ah qabanaya

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  xildhibaannada wada mooshinka guddoomiye Jawaari ee taageersan Xukuumadda ay maanta qabanayaan shir dhoolatus ah oo ay ku ayidayaan mooshinka iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo la safan.

Xildhibaannadan oo ay ku jiraan dhammaan wasiirada xukuumadda ayaa kulankooda maanta jawaab u yahay shir ay xalay saqdii dhexe qabteen xildhibaannada la baxay Badbaadadda baarlamaanka ee taageersan Guddoomiye Jawaari, kuwaasoo shaaciyay in mooshinkii guddoomiyaha Baarlamaanka uu waqtigiisii dhammaaday, sidaasina ku burburay.

Xaaladda Baarlamaanka ayaa noqotay is mari waa’ qolo kasta ay mowqifkeeda ku adkeysaneyso, waxaana qeyb ka ah khilaafka guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo dhinac la saftay.

Waxaa laga deyrinayaa heerka uu gaaray khilaafka ka dhex taagan labada Garab ee Baarlamaanka, waxaana laga cabsi qabaa inuu qalalaase iyo gacan-ka-hadal ka dhaco kulanka uu wado C/weli Muudey ee lagu wado in sabtida uu ka furmo xarunta golaha shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON