Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaafiic lagu weerarray xarunta Xalane oo fariisin u ah ciidamada AMISOM, isla markaana ay ku taallo xarunta UN-ka ee Muqdisho.
Dadka ku nool agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maqlay afar Madfac oo la sheegay inay hoobiyeyaal ahaayeen, kuwaasoo ku dhacay xarunta Xalane ee degmada Wadajir, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay geysteen qasaare dhaawac u badan.
Madaafiicda oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa lala eegtay xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee AMISOM, waxaana ku yaalla safaarado dhowr ah iyo xafiisyada UN-ka ee magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay inay kooxda ay weerar madaafiic ah ku qaaday xerunta Xalane, waxaana weerarkan lagu soo beegay maalinta ugu horeysa sanadka cusub ee 2019.