Monday, June 23, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, xilli uu kusii jeedo Ra’iisal Wasaaraha

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax Miino, xilli uu halkaasi kusii jeedo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qaraxa ayaa la sheegay in la geliyey Fuusto qashinka lagu shubo oo taallay bannaanka xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo, dhinaca Galmudug, waxaana qaraxa ku dhaawacmay afar qof.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxa ka badbaada Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo C/raxmaan Sheekh Xasan oo markaasi uun tegay xarunta oo ay shir ku lahaayeen Golaha degaanka Degmada Gaalkacyo, waxaana dhaawacyada ka mida askartii ilaalada u ahayd.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amiga magaalada ay baaritaan ka wadaan, iyadoo la xiray qeybo ka mida dhinaca Koonfurta qaraxa kadib, waxaana socda howl lagu sugayo Amniga.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo uu Magaalada Gaalkacyo ku wajahan yahay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ku sugan magaalada Garowe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON