War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho oo jugtiisa laga maqlay qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kowda Maarso ee degmada Waabari, iyadoo qaraxa uu ahaa Miino oo la dhigay goob wado ah, waxaana la soo weriyey inuu qaraxu geystay qasaare kala duwan.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa kasoo baxa ayaa sheegaya inuu ku dhintay Wiil yar oo 12 sano sano jir ahaa, iyadoo goobta Miinadu ku qaraxday ay u dhoweyd Guri ay dad shacab ah degan yihiin.
Ciidamda amniga ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo ay magaalada ku sii kordheen qaraxyada miinooyinka.