Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar is-miidaamin ah iyo weerar toos ah uu ka dhacay Hotel ku yaalla magaalada, kaasoo ay deganaayeen qurbejoog iyo musharixiin u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland.
Weerarkan ayaa lala beegsaday Hotelka Medina [Maamuus] ee hore loo yiqiin Hotel Cas-casey oo ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana deganaa xubno isugu jira siyaasiyiin, xildhibaanno iyo qurbejoog, iyadoo qaraxa kadib la sheegay inay si toos ah u galeen dabley hubeysan oo Alshabaab loo maleynayo, waxaana la maqlay rasaas xoog leh oo halkaasi ka dhaceysa.
Rasaasta ayaa weli socota, iyadoo dabley Shabab ah la sheegay inay gudaha ugu jirto Hotelka, kana dhex dagaalamayaan, waxaana laga cabsi qabaa inay ku waxyeeloobnaan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin.
Waxaa aad u xumaaday xiriirka telefoonka ee magaalada Kismaayo, iyadoo warar kala duwan oo aan la xaqiijin ay ka hadlayaan geerida dad la yaqaan oo hotelka ku jiray.. Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Kismaayo muddo dheer.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA