Friday, July 11, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii ka dhacay Magaalada Nairobi & Qofkii ka danbeeyay oo baxsaday [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ka dhashay waxyaabaha qarxa oo la dhigay wado muhiim ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay Baarka Smothers Fast Food Restaurant, una dhow Shineemada Odeon, Wadadda  isgoyska Latema iyo Tom Mboya ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof, sida uu sheegay taliyaha Booliska magaalada Nairobi  Charles Owino.

Booliska Kenya ayaa sheega in qaraxa uu ka dhashay qalab waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray oo goobtaasi la dhigay, waxaana baxsaday nin la sheegay inuu qaraxyada siday oo markuu halkaasi uu dhigay daqiiqado kadib qaraxu dhacay.

Qaraxa ayaa inkastoo aanu qasaare weyn geysan waxaa laga maqlay qeybo badan oo ka mida caasimadda Kenya, wuxuuna imaanaya laba toddobaad ka yar weerarkii weynaa ee lagu qaaday dhismaha Dusit D2 ee isla Nairobi.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON