Thursday, July 10, 2025

DEGDEG: NISA OO SHEEGTAY IN LA DILAY DABLEY WEERAR KU QAADAY HOTEL SYL

UPDATE

Hay;adda nabadsugidda ayaa xaqiijisay inuu jiro weerar ay rag hubeysan ku qaadeen Hotelka SYL, waxayna NISA bartooda twitter ku sheegeen inay dileen laba dabley oo Alshabab ah oo isku dayay inay galaan Hotelka SYL.

Weli lama oga inay jiraan kooxo dabley ah ku jira degaanka qaraxyadu ka dhaceen, waxaan weli la maqlayaa rasaas la is weydaarsanayo xilligan habeenka ah Muqdisho oo xaaladu cakiran tahay.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay inay xaaladda gacanta ku heyso, lana fashiliyay weerarkii fuleynimada ahaa ee kooxda Alshabaab sida ay ku sheegeen bartooda.


 

Kooxda Alshabaab ayaa goor dhoweyd sheegatay inay ka danbeysay qaraxyadii is xigay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Beerta Nabadda iyo agagaarka Hotelka SYL.

War ay baahisay Idaacadda Andalus ee afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegtay in ciidamo  ka tirsan kooxdaasi ay weerar ku qaadeen Hotelka SYL. “Guutada istish-haadiyiinta ayaa howlgal is miidaamin ah ka wadda Hoteelka SYL oo ay deganyihiin dublumaasiyiin shisheeye iyo madax katirsan Kooxda Ridada”ayaa lagu yiri warka lagasii daayay Idaacadda Andalus.

Alshabaab ayaa sheegatay inay gudaha ugu jiraan Hotelka SYL, balse taasi lama xaqiijin inkastoo xaaladu cakiran tahay.

Waxaa muuqata in Alshabaab weerarkeed u dan lahaa Hotelka SYL balse, markii ay dhaafi waayeen ciidamada dhabarka dambe ee Hotelka ay is qarxiyeen oo halkaasina ay ku dhinteen ciidamadii ilaalada goobtaasi intooda badan.

Wararkii ugu danbeeya ayaa  sheegaya in xubno Alshabaab ah oo weerar soo qaaday ay isku dayayaan inay galaan goobaha Hotelka SYL iyo beerta nabadda, waxaana weli la maqlayaa rasaas la is weydaarsanayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON