Friday, June 27, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Weerar ay Alshabaab Caawa ku qaadeen Degmada Afgooye

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay caawa weerar ku qaadeen Afgooye.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo ka dhacay Bambo gacmeedyo lagu tuuray Ciidamda Dowladda Federaalka ee ku sugnaa agagaarka Buundada-yar ee degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal dhex maray labada dhinac.

Dagaalka ayaa socday waqti kooban, waxaana la is weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna Saraakiisha ciidamada dowladda ee Afgooye sheegeen inay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen Alshabaab.

Lama sheegin qasaaraha weerarkaasi ka dhashay, waxaana markii uu istaagay kadib ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen duleedka degmada Afgooye oo weerarka ay kasoo qaadeen Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON