Friday, July 4, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Weerar Bam oo lagu qaaday ciidamada xasilinta Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Bam gacmeed lagu qaaday ciidamada xasilinta Muqdisho.

Weerarka ayaa lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Isgoyska Fagax, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay laba qof ku dhinteen, iyadoo ugu yaraan 4 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, oo saddex ka mida ay yihiin askartii goobta ku sugneyd.

Dadka degaanka ayaa sheegay in  ciidamada la weeraray ay ahaayeen ciidamada Nabadsuggida ee saldhigga ku leh Igoyska Fagax, kana tirsan cidiamada xasilinta. Ciidamada dowladda ayaa weerarka maalinta cad lagu qaaday kadib rasaas furay, taasoo laga cabsi qabo inay qasaare kale dhalisay.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa in muddo hakad galay Isgoyska Fagax oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan ee magaalada, kadib markii ay ciidamada xireen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON