Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay weerar culus oo kooxda Alshabaab ku qaaday Afgooye

Kooxda Alshabaab ayaa dagaal ku qaaday maqribnimadii Caawa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararkii ugu danbeeyya ee Afgooye e ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-shabaab ay qabsadeen saldhig ku yaala duleedka degmada Afgooye, iyadoo dagaal xoog leh dhex maray, iyadoo la dilay dhowr ka mida dagaalmayaasha Alshabaab.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay degmada Afgooye, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta dowladda ee Afgooye ayaa sheegay in Alsbabaab ay maqribnimadii caawa weerar ku qaadeen suuq ku yaala duleedka magaalada, halkaasina la iska caabiyay oo qasaare xoog leh loo geystay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab ay  dib u gurteen kadib weerarka ay ku qaadeen, waxayna magaalada uga tageen ilaa 4 meydad oo laga dilay.

Warar kale ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu magacaabijiray Daahir Digoote ay Alshabaabku ku dileen dagaalkii caawa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON