Friday, June 27, 2025

Wararkii ugu danbeeyay weerar koox hubeysan ku qaaday Magaalada Boosaaso

Faafhaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ay caawa ka dhacay magaalada Boosaaso oo koox hubeysan ku qaaday bar ay lahaayeen ciidamada Puntland.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in kooxda hubeysan weerartay ciidamado bar koontarool ku lahaa isgoyska wadada weyn ee laamiga ah iyo wada jidka 30-ka.

Saraakiisha ciidmada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay rasaas ku fureen ciidamada kadibna iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

Laba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen iska hor imaadka, waxaana ku dhaawacmay laba askari  oo la dhigay isbitaalka Boosaaso.

Kooxdii weerarka ku qaaday goobtaasi ayaa baxsatay iyadoo aan wax faahfaahin ah laga helin cidda ay ahayd, waxaana degaanadaasi ka howlgala kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON